Caymiska(insurance) waa hab shirkadda caymiska loogu gudbiyo khataraha maaliyaddeed taas oo lagu heshiiyay in laga daboolo macmiilka haddii waxyeello hantiisa ama noloshiisa soo foodsaarto.

Si guud, caymis waxa loo kala qaadaa laba nooc caymiska ribawiga ah(conventional insurance) waa nidaamka khatarta lagu wareejiyo shirkad(risk transfer). Nooca kale waa caymiska islaami ah (Takaful) waa nidaam guud ahaan waafaqsan shareecada islaamka iyadoo khatarta lagu yaraynayo si wadaag ah(risk sharing).

Nooca caymiska ee hadda ka dhaqan galay dhulka Soomaalidu degto waa caymiska islaamiga ah(Takaful) wuxu ku dhisan yahay iskaashi iyo wadaag (tabaruc iyo Tacaawun).Caymiska la isticmaalay waayadii hore ee culimadu isku waafaqsan yihiin waa  caymiska ku dhisan iskaashiga (ta’wuni modal), halka  ay yihiin kuwa kale  ku cusub oo laga soo dheeganayo shareecada islaamka.Shirkadaha adeegyada caymis bixiyaana waxa ay ku dhisan yihiin qaabka wakaalada ah (wakaala model).

Shirkaddu waxay u soo bandhigaysaa dadka in ay qayb ka noqdaan sanduuq lagaga bixinayo khatarta ama waxyeellada ku timaada. Doorka shirkadda caymiska bixinaysaa leedahay wuxu yahay:

1. waxay dadka u soo bandhigaysaa in ay ka qayb noqdaan sanduuqa(common pool) laga bixinayo waxyeellada.

2. Waxa ay maamulaysaa lacagta ku jirta sanduuqa.

3. Wixii maalgashi ah ee sanduuqa laga samaynayo ayay maamulaysaa shirkadu.

4. Waxa ay ka bixinaysaa wixii waxyeello ah ee ku timaadda dadka ku bahoobay sanduuqa

5. Haddii sanduuqu uu galo gabaabsi mudadii sanadka ahayd oon dhamaan waxay shirkadu u soo bandhigaysaa in ay kabaan dadkii sanduuqa lahaa ama waxay soo qaadan kartaa dayn aan dulsaar lahayn(qardul-xasan).

6. Wixii sanduuqa ka soo hadhay waxa ay dib ugu celinayasaa dadkii sanduuqa ku bahoobay gaar ahaan dadkii aanay khatartu ku iman ama aan magdhowga laga bixin.

Shirkadu waxay qaadanaysaa khidmad ay wakiilka ugu tahay dadka sanduuqa ku bahoobay (wakaala fee).

Laba waaxood oo waaweyn ayaa loo qaybiyaa khataraha la cayminnayo:

1. Caymiska guud(General insurance).

2. Caymiska nolosha ama qoyska (life/family insurance).

Caymiska guud waxa loo kala qaada:

1. Caymiska gaadiidka.

2. Caymiska shixnadaha (marine insuarance).

3. Caymiska dabka (fire insurance).

4. Caymiska alaabaha yaryar (miscellaneous insurance).

Waxaan si gaara isku dul taagi doonaa caymiska gaadiidka (motor insurance)

Addeega caymiska ee gaadiidku waxay u qayb samaan saddex nooc:

1. Caymiska dhinaca saddexaad(third party liability).

2. Caymiska dhinaca saddexaad iyo khatarta ay keenan dabka ama xatooyada (third party fire and theft).

3. Caymiska guud ee gaadhiga waxaad dhinac saddexaad u gaysato iyo waxyeellada adiga ku soo gaadhaba (comprehensive insurance)

Dawladu waxay dhaqan galinaysaa caymiska dhinaca saddexaad kaas oo ah in lagaa bixiyo khatar kasta oo gaadhigaagu gaysto taas oo noqon karta dhaawac ama dhimasho uu u gaystay iyo burburka hantiyeed ee uu gaadhigaagu gaysto( property damage), waxa mudan in aanay ku jirin waxyeellada iyo burburka gaadhigaaga soo gaadha. Xadiga waxyeelo ee lagaa bixinayaa waxa lagu qiimaynayaa lacag tusaale ahaan waxaa lagaa bixinayaa waxyeello kasta oo gaadhigaagu gaysto oo le’eg ama u dhiganata $30,000. Waxa caddaynaya xadiga waxyeello ee lagaa bixinayo heshiiska aad shirkadda la galayso. Waxaan ku jirin heshiiska in aan lagaa bixinayayn wixii aad u samayso si ula kac ah ama u kas ah.

Dheefta caymiskani leeyahay waxa ka mida in uu qofka dareensiinayo xasilooni maskaxeed oo uu qofku ka qabo khatarta uu gaadhsiin karo cid kale, waxa kaloo ka mida dheeftiisa wuxu xayndaab u noqonayaa khasaarihii maaliyadeed ee qofka soo gaadhi lahayd markaanu ku jirin caymis.

Muhiimadda dhaqaale ayuu u leeyahay qofka caymiska galaya iyo waddanka oo waxa lagu samayn karaa maalgashi lacagta sanduuqa ku jirta.

Marka laga saaro inta tagaysa kaydka magdhawga taasoo keenaysa shaqo abuur iyo ilo-dhaqaale oo u furantay qofka caymiska galay. Waxa ugu weyn ee laga dhaxlayaa wuxuu yahay in bulshada uu dhaxalsiinayo wax wada qabsi iyo iskaashi bulsho, marka khatartii timaadaba la iska kaashaado waxay culayska ka qaadaysaa dadkii dhaqaalo ahaan hooseeyay ee qasabka iyo xadhiga lagaga dhigayay qaadhaanka.

  W/Q Abdirashid Kadar Abdi